Sanadka 2022 ayaa ku sii dhawaanaya in uu dhamaado iyada oo ay maalmo yar ka dhimantahay in si Rasmi ah loo soo afjaro saandka.

2022 Ayaa ahaa sanad xiiso leh dhinaca ciyaaraha kubada cagta iyada oo ay xiddigo badan wacdaro dhigeen intii uu socda sanadku horyaalada ugu waaweyn yurub.

Ka hor dhamaadka sanadka 2022, waxa la soo saaray xiddigaha goolasha ugu badan ku lug leh sanadka 2022 horyaalada ugu waaweyn qaarada yurub.

Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa ah xiddiga goolasha ugu badan ku leh isaga oo ku leh 71 gool tan ilaa bilowgii sanadkan isaga oo dhaliyay 55 gool 16 kalena caawiye ka noqday.

Waxa ku xiga xiddiga Leo Messi kaas oo dhinaciisa ku lug leh 65 gool isaga oo dhaliyay 35 isla markaas caawiye ka noqday 30 kale.

Waxa kaalinta 3-aad kujira xiddiga Man City ee Erling Haaland kaas oo ku leh 51 gool isla markaas dhaliyay 43 gool 8 kalena caawiye ka noqday.

Halkan Hoose Kaga Bogo 8-da xiddig ee goolasha ugu badan ku lug leh Sanadka 2022:

  1. Kylian Mbappe – 71 G+A (55 Gool, 16 Caawin)
  2. Leo Messi – 65 G+A (35 Gool, 30 Caawin)
  3. Erling Haaland – 51 G+A (43 Gool, 8 Caawin)
  4. Robert Lewandowski 51 G+A (42 Gool, 9 Caawin)
  5. Neymar – 51 G+A (32 Gool, 19 Caawin)
  6. Christopher Nkunku – 50 G+A (37 Gool, 13 Caawin)
  7. Harry Kane – 48 G+A (34 Gool, 14 Caawin)
  8. Kevin De Bruyne – 44 G+A (18 Gool, 26 Caawin)



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here