Xulka Qaranka Croatia ayaa iska xaadiriyay 8 dhamaadka koobka adduunka kadib markii ay rikoodhayaal ku garaaceen xulka Japan.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada xul si cajiib ah u soo bandhigeen ciyaar fiican iyada oo uu mid walba doonayay in uu u gudbo wareega xiga.

Xulka Japan ayaa ahaa xulka Fiican xilli xulka Croatia maamulayay ciyaarta isla markaas samaynayeen fursado wax ku ool ah.

Xulka Japan ayaa qaadayay weeraro rogaal celis ah oo marar badan halis galiyay daafaca xulka Croatia.

Daqiiqadii 43-aad ayuu xulka Japan si lama filaan ah hogaanka ugu qabtay ciyaarta iyaga oo uu gool u dhaliyay xiddig Daizen Maeda kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Japan ku hogaaminayay ciyaarta isla markaas ahaa midka fiican.

Qaybta dambe ayuu xulka Croatia ahaa midka fiican iyaga oo u awood sheegtay xulka Japan kuwaas oo difaac galay isla markaas qaadayay weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqadii 55-aad ayuu xulka Croatia dhaliyay goolka bar-baraha axana u dhaliyay xiddiga Ivan Perisic kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa ay labada xul wixii intaas ka dambeeyay isku dhaafi waayeen sidaas iyaga oo aan wax goolal ah la kala dhalin.

Waxa ciyaarta lagu daray 30 daqiiqo si loo kala boxo iyaga oo mid walba doonayay in uu gool ka dhaliyo midka kale.

Laakiin labada xul ayaa isku dhaafi waayay 30-ka daqiiqo taas oo la macno ahayd in ay rikoodhayaal ku kala baxaan.

Xulka Croatia ayaa iska xaadriyay wareega xiga ee koobka adduunka kadib markii ay rikoodhayaal 3/1 ah kaga badiyeen xulka Japan.

Goolhayaha Croatia ayaa noqday geesiga qarankiisa waxana uu xulkiisa ku hogaamiyay wareega xiga kadib markii uu 3 rikoodhe ka qabtay xulka Japan.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here