Xulka Qaranka Gahan ayaa garaacay Xulka South Korea kulan xiiso lahaa oo ay labada xulba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Xulka South Korea ayaa si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa xulka Ghana kuwaas oo bilowga ciyaarta daafac ku bilowda.

Xulka Ghana ayaa daqiiqadii 24-aad dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Mohammed Salisu kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Wixii intaas ka dambeeyay xulka Ghana ayaa ahaa midka fiican iyada oo South Korea ku dhibaatootay goolka hortiisa isla markaas aan si fiican u ciyaarin.

Daqiiqadii 34-aad ayuu xulka Ghana sii dheeraystay hogaanka ciyaarta waxana gool u dhaliyay xiddiga Mohammed Kudus kaas oo hogaanka u dheereeyay xulkiisa ciyaartana ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Ghana ahaa midka fiican isla markaas u qalmay in uu natiijadaas kala boxo ciyaarta.

Qaybta dambe ayuu xulks South Korea ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay ciyaarta ku soo laabtaan.

Daqiiqadii 58-aad ayuu xulka South Korea dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo dib u furay natiijada ciyaarta Waxana goolka u dhaliyay xiddiga Cho Gue-Sung.

Xulka South Korea oo sii wada dadaalka ay wadaan ayaa daqiiqadii 61-aad dhaliyay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Cho Gue-Sung kaas oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro.

Xulka Ghana oo aan niyad jabin ayaa daqiiqadii 68-aad dhaiyay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Mohammed Kudus kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Ghana gaadhay guushii 1-aad ee koobka adduunka sanadkan isla markaas soo nooleeyay rajadooda wareega xiga ee tartanka.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here