Goolhaya xulka qaranka Cameroon iyo kooxda Inter Milan ee André Onana ayaa laga saaray liiska xulka Cameroon uga qayb galaya koobka adduunka Qatar ka socda.

Goolhaye André Onana ayaa ku bilowday shaxda kulankii uu xulka Cameroon Guuldarada kala kulmay xulka Switerland kulankii furitaanka ahaa ee xulka Cameroon.

Si kasta ha ahaatee André Onana ayaa laga saaray Liiska xlka Cameroon ee bar-baraha la galay xulka Serbia kulankoodii 2-aad ee koobka adduunka.

Goolhaye André Onana ayaa laga saaray xulka Cameroon kadib markii uu diiday in uu kubada iska laago marka ay u timaado laakiin uuna baas ku ciyaarin goolkiisa hortiisa.

André Onana ayaa sameeyay khaladaad kulankii Switerland isaga oo diiday in uu iska fogeeyo kubada marka uu helo waxana uu diiday in uu badalo dhaqankaas maadama uu yahay qaab ciyaareedkiisa.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here